Arteta Waxa Uu Arsenal Ku Tartansiin Doonaa Horyaalka Hadii Halkan Arin Loo Sameeyo.

Tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa aaminsan in ay Arsenal dhisayso wax khaas ah iyaga oo uu hogaaminayo caawiyihiisii hore ee Mikel Arteta isla markaasna kooxdu mar kale u tartami karto horyaalka premier League hadii taageero dhanka suuqa ah la siiyo.

Kooxda Guardiola ayaa wajaheysa kooxda Gunners Semi-finalka FA Cup Tababaraha Man City ayaana aaminsan in uu Mikel Arteta wax cajiib ah ku abuurayo Emirates.

“Waxan filayaa kulan adag, Arsenal waxa ay haatanba haystaan wax cajiib ah waxa ay haystaan ruux kooxeed oo uu Arteta abuuray”ayuu yidhi.

“Waxa aan arkaa sida ay ugu dabaal dagaan goolasha, sida ay u dagaalamaan waxa ay bilaabeen in ay abuuraan wax cajiib ah”.

“Arsenal waxa ay ka mid ahayd kooxaha ugu waaweyn England 20 ilaa 30-kii sano ee la soo dhaafay waxana aan hubaa in uu Mikel Arteta halkaas ku celin doono wakhti dhaw hadii ay taageeraan Mikel Arteta”

Sii Akhriso: SHEEKO CUSUB: Maxaa Ka Jira In Ay Somaliland Ka Qayb Qaadanayso Wadahadalada Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*