Pedro Oo Ka Hadlay Xaqiiqada Wararka Sheegaya In Uu Ramos & Van Dijk U Arko Daafacyada Ugu Fiican Adduunka & Daafaca Ugu Fiican Haatan Oo Uu Doortay.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda chelsea ee Pedro ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu sheegay in ay daafacyada Sergio Ramos iyo Virgil Van Dijk yihiin daafacayada ugu fiican adduunka.

Xiddiga ayaa isku diyaarinaya kulanka ay kooxdiisa chelsea caawa la ciyaari doonto Liverpool kulan ka tirsan koobka UEFA Super Cup.

Waxa ay saaka saxaadu hadal haysay hadal uu xiddiga reer Spain ku sheegay in ay labada xiddig ee Sergio Ramos oo u ciyaara Rela Madrid iyo Virgil Van Dijk oo u ciyaara Liverpool yihiin daafacayda ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan.

Laakiin xiddiga reer Spain ayaa afka furtay arintaasna kaga hadlay bogiisa Instagram-ka isaga oo yidhi”Waxa aan doonayaa in aan dadka oo dhan wax u kala cadeeyo taas oo ah in aanan odhan Ramso iyo Van Dijk ayaa ugu fiican daafacyada adduunka wakhti xaadirkan sida ay sheegeen saxaafadu”.

“Waxa aan kaliya ka jawaabay su,aal taas oo ahayd waxyaabaha aan arko in ay isaga mid yihiin kuwaas oo ah dhanka farsamooyinka iyo in ay soo bandhigeen xilli ciyaareed fiican”.

Advertisements

“Laakiin hadii aad i waydiiso waa kuma daafaca ugu fiican adduunka? waxa aan dooranayaa Gerard Pique sababta oo ah waa daafaca ugu fiican adduunka wakhti xaadirkan, laakiin daafacii ugu fiicnaa ee aan ka soo garab ciyaaray ayaa ah Carles Puyol”.

“Waxa aan doonayaa in aan kala cadeeyo sababta oo ah waxa jirtay muran badan oo ka dhashay wixii aan sheegay isku midna ma ahan wixii aan sheegay iyo waxa ay saxaafadu sheegtay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*