Pedri Oo Ogolaaday In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Kooxda Barcelona

Barcelona ayaa heshiis ka gaartay xiddiga Pedri si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda sida ay sheegayaan wararku.

Heshiiska xiddiga 18 jirka ah ayuu heshiiskiisa Camp Nou dhici doonaa dhamaadka xilli ciyaareedkan laakiin waxa heshiiskiisa ku jira shardi u ogolaanay in ay heshiis 2 sano ah ku kordhiso xiddiga.

Inkasta oo uu wali yahay xiddig da’yar ah hadnaa xiddiga Pedri ayaa kooxda u saftay 55 kulan tartamada oo dhan isaga oo 10 kulan u saftay xulka qarankiisa Spain.

Sida laga soo xigtay Sky Italy, xiddiga khadka dhexe ayaa go’aansaday in uu mustaqbalkiisa u hibeeyo kooxda Barcelona isaga oo qalinka ku duugi doona heshiis todobaadyada soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga cusub Todobaadka 2-aad ee bisha October.

Sii Akhriso: 3 Dumar Ah Oo Raggu Neceb Yihiin..Waa Kuwee?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*