Paulo Dybala Oo Magacaabay Xulalka Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Koobka Adduunka.

Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Paulo Dybala ayaa aaminsan in dalkiisa uu awoodo inuu ku guuleysto Koobka Adduunka 2022, kaasoo bilaaban doona berri oo Axad ah.

Xulka qaranka Argentina ayaa ku jira Group-ka C, iyaga oo ku wehliya Saudi Arabia iyo waliba xulalka Poland iyo Mexico.

Dybala ayaa ku yiri”Dhammaan xulalka Koobka Adduunka waxay heystaan ​​fursad ay ugu guulaysan karaan koobka adduunka, anaguna wan ku jirnaa”

Waxa uu intaa ku daray, “Haddii aad waydiiso 10 qof xulalka ugu cad-cad koobkii aduunka ee ugu dambeeyay ma jirin qof sheegi lahaa Croatia hadana waxa ay gaadhay koobkaa dduunka taas oo ahayd mid lama filaan ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “arintaas waxa ay la macno tahay in ay lama filaano dhici karaan, waxa jira xulal badan oo awood u leh ku guulaysiga koobka adduunk”.

Isaga oo ka hadlaya xulalka ugu cad-cad ayuu yidhi””Waxaa jira Argentina, Germany iyo France, iyo sidoo kale Brazil, dhamaantood waxay haystaan ​​ciyaartoy waa weyn waxayna awoodaan inay ku guuleystaan ​​​​horyaalka”.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*