Paul Scholes Oo Weerar Ku Qaaday Laba Xiddig Oo Man United Ah Kadib Guuldaradii Arsenal.

Xiddigii hore eee khadka dhexe ee Manchester United Paul Scholes ayaa dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii Fred iyo Scott McTominay intii lagu jiray kulankii axada ee Premier League ee ay la ciyaareen Arsenal.

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhaliyay goolka kaliya ee Gunners guusha ku hogaamiyay kooxda Arsenal iyada oo kooxda Ole Gunnar soo bandhigtay qaab ciyaareed Liita.

Xiddigaha Fred & McTominay ayaa ku bilowday khadka dhexe ee daafaca Scholes ayaana sheegay in ayna labada xiddig soo bandhigin qaab ciyaareed fiican.

“Waxa ay u liidatay sidii ugu xumayd ee aan arkay Man United hadii aan runta ka hadlo”ayuu Scholes u sheegay Premier League Productions.

“Waa inaad siisaa Arsenal amaan, waxay ahaayeen kuwa aad u fiican laakiin dhanka kale waa inaad waxbadan ka rajeysaa United iyo laba xiddig ee khadka dhexe gaar ahaan”.

“Waxa aan iri wakhtigii Nasashada hadii aad doonayso xiddigaha kubad samaynta fiican waliba goolal dhalin karo, hadana waa in aad hesho xiddigo kubad hayn kara laakiin labadaas xiddig waxa ka maqnaa tayada, waxa ay u ciyaarayeen sida xiddigo daafac dhexe ah laakiin uma ciyaarayn xiddigo khadka dhexe ah”ayuu Scholes yidhi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*