Paul Scholes Oo Sheegay Halka Arin Ee Man United Ka Hor Istaagi Doona Ku Guulaysiga Premier League.

Paul Scholes ayaa aaminsan in isku dheelitirnaan la’aanta Manchester United ee qadka dhexe ay ku waayi karto horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa 14 dhibcood ka heshay 7-dii kulan ee premier League ee ay ciyaareen xilli ciyaareedkan xilli uu Ole Gunnar Solskjaer wajahay dhaleecayn xoogan kadib guuldaradii Aston Villa.

Scholes ayaa rumaysan in ay Man United ka dambayso kooxaha Liverpool iyo Man City kuwaas oo leh nidaam adag.

“Ole uma muuqdo mid helaya isku dheelitirnaanta kooxdiisa”.

“Waxana aan aaminsanahay in ay isku dheelitirnaan la’aanta khadka dhexe ay Man United ka hor istaagi karto Man United”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*