Paul Scholes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Champions League.

Halyeeyga Manchester United Paul Scholes ayaa ku adkeysanaya inay Man United awood u leeyihiin inay ku guuleystaan ​​Champions League xilli ciyaareedkan.

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Scholes ayaa faallaynayay kadib kulankii ay Man United 5-0 ku garaaceen kooxda RB Leipzig.

Scholes ayaa ka sheegay BT Sport: “Marwalba waxaan dhihi doonaa haa dabcan.

“Uma maleynayo inay jiraan kooxo badan oo fiican oo ka jira haatan Yurub oo dhan”.

“Waxan u malaynayaa in ay kaliya Jirto koox fiican kuwaas oo ah Bayern Munich laakiin kooxaha kale ma arko wax United ka hor istaagaya Ku Guulaysiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*