Halyeyga Manchester United, Paul Scholes, ayaa magacaabay siddeed ciyaaryahan oo uu sheegay in kooxda Red Devils ay tahay inay iibiso xagaagan.
Ciyaaryahankii hore ee England ayaa arrintan kaga hadlay podcast-ka The Good, The Bad & The Football, isagoo la falanqeynayay ciyaarta “Keep or Sell?” oo uu la ciyaaray saaxiibkiisii hore ee Man United, Nicky Butt.
Scholes wuxuu xusay ciyaartoydan:
Mason Mount
Harry Maguire
Manuel Ugarte
Leny Yoro
Patrick Dorgu
Noussair Mazraoui
Joshua Zirkzee
Luke Shaw
Sidoo kale wuxuu sheegay in Casemiro uu ka mid yahay ciyaartoyda ay tahay in la fasaxo.
Dhanka kale, Manchester United ayaa haatan ku jirta kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League, iyadoo ka dambeysa Manchester City iyo Arsenal.
Kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick ayaa la ciyaari doonta Leeds United Isniinta soo socota kulan ka tirsan Premier League.
Be the first to comment