Paul Scholes Oo Farta Ku Fiiqay Saddex Qof Oo Ka Dambeeyay Guuldaradii Man United Ka Soo Gaadhay Istanbul Basaksehir

Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa farta ku fiiqay 3 qof oo ka dambeeyay guuldaradii kooxda Man United ka soo gaadhay Istanbul Basaksehir gaar ahaan goolkii 1-aad ee ay dhalisay kooxda reer Turkey.

Xiddigii hore ee kooxaha Newcastle iyo Chelsea ee Demba Ba oo haatan 35 jir ah ayaa la siiyay xornimada uu uga ordi karo bartamaha xilli ciyaareedka waliba goolka 1-aad u dhaliyay kulankii ay Kooxda reer Turkey 2/1 uga badisay United.

Goolka Ba ayaa ahaa kubad dheer waxana uu Scholes si weyn ula yaabay sababta ayna jirin cid arkaysay xiddiga weerarka uga ciyaara Istanbul Basaksehir ee Ba.

Scholes ayaa sheegay in Caawiyaha Man United ee Mike Phelan, Goolhaye Dea Henderson iyo waliba Xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic sabab u yihiin goolka 1-aad ee ay Istanbul Basaksehir dhalisay.

“Waa wax lagu qosli karo waxa dhacay”ayuu Scholes u sheegay BT Sport.

“Sida caadiga ah marka aad koorne laadanayso waxa aad halka dambe dhigtaa xiddig kaas oo ilaaliya kubadaha rogaal celiska ah laakiin United wax xiddig ah ma dhigin dhanka dambe ugu yaraan waxa iska banaanayd 20 yard”.

“Waxa aan arkaynay Mike Phelan oo isku dayay in uu arintaas xaliyo laakiin ma dhicin”.

“Dean Henderson waxa ay ahayd in uu sidoo kale arko arintaas”.

“Matic waa xiddig khibrad leh, ma waxa aad ii sheegaysaa in uuna arkin xiddiga ka dambeeya? maxaad isaga halkaas u dhigaysaa ugu horaynba maadama uuna Matic ordi karin”.

“Waxa uu haystay 20 yard ma jirin fursad uu Matic ku soo qaban karay Demba Ba”ayuu Scholes sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*