Paul Pogba Oo Xiddigaha Man United U Sheegay Go’aankiisa Ku Aadan Mustaqbalka Man United.

Waxa ay u muuqataa in mawduuca bixitaanka iyo joogitaanka Paul Pogba ee Man United ay ku dhawdahay gaba-gabo kadi markii wargayska L’Equipe shaaca ka qaaday go’aanka xiddiga.

Heshiiska Paul Pogba ee Man United ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda taas oo la macno ah in uu xor uga tagi karo kooxda xagaaga.

Wargayska The Athletic ayaa sheegay in ay Man United diyaar u tahay in ay Pogba miiska u saarto mushahar 400 kun oo Gini todobaadkii si ay heshiis 5 sano ah uga saxiixato.

Wargayska L’Equipe ayaa haatan sheegaya in uu Paul Pogba xiddigaha Man United u sheegay in uu diyaar u yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United waliba sii joogo kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ee Pogba aya qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League isaga oo caawiye ka noqday 7 gool ilaa haatan horyaalka premier League.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*