Paul Pogba Oo Xiddigaha Man United U Sheegay Go’aankiisa Ku Aadan Ka Tagista Man United Kadib Xiisaha PSG.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa lagu soo waramayaa in uu xiddigaha ay isku kooxda yihiin Man United u sheegay go’aanka uu ka gaadhay mustaqbalkiisa Red Devils.

Sida laga soo xigtay wargayska The Sun, Xiddiga reer France ayaa u sheegay xiddigaha Man United in uu sugayo dhamaystirka faah-faahinta mustaqbalkiisa laakiin go’aan kama dambays ah gaadhay.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa hadii uu u dhawaaqo in uu isaga tagayo kooxda ay u badantahay in la iska iibin doono halkii ay kooxdu qaab xor ah ku waayi lahayd dhamaadka xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda PSG ayaa ah kooxda ugu cad-cad in uu ku biiro hadii uu diido in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda iyada oo ku dalban doonta lacag dhan 43 milyan oo euro saxiixa xiddiga.

Kooxda Man United ayaa si aad ah u doonaysa in ay sii haysato xiddiga khadka dhexe laakiin ilaa haatan waxa uu diidanyahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda.

Sii Akhriso: Sifooyinka Gabadha Quruxda Badan Ee Ay Raggu Ka Baxsadaan, Hadii Gabadhu Leedahay Sifooyinkan Ma Jiro Nin U Istaagaya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*