Paul Pogba Oo Si Maldahan U Sheegay Kooxdiisa Xigta Hadii Uu Ka Tago Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa sheegay in uu wali xidhiidh la leeyahay xiddigaha kooxda Juventus isla markaas sheegay in uu jecelyahay magaalada Turin kadib markii wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa Man United iyo ku soo laabashada Juventus.

Xiddiga reer France ayaa 4 sano ku qaatay Juventus isaga oo u dhaliyay 34 gool kooxdana ka caawiyay ku guulaysiga 4 koob oo Serie A ah iyo 2 coppa Itali ah ka hor inta uuna ku biirin Man United.

Mustaqbalka Pogba ee Man United ayuu haatan shaki ku jiraa iyada oo heshiiskiisa Red Devils dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan walina uuna heshiis cusub u saxiixiin.

Pogba ayaa ku soo laabtay Garoonka Juventus Khamiistii isaga oo xulka qarankiisa France kala qayb galayay Semi-final-ka UEFA Nations Leaue waxana wax laga waydiiyay mustaqbalkiisa kadib ciyaarta.

Pogba oo qoslaya ayaa ku jawaabay”Waan Jecelahay Torino”.

“Mar walba waan la hadlaa xidigaha Paulo¬† Dybala, haatan waxa aan Man United kula jiraa Heshiis kaaas oo dhici doona xagaaga”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl: La Wadaag Qofka Aad Jeceshahay Fariimahan Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*