Paul Pogba Oo Sameeyay Qirasho La Yaab Leh Oo Ku Saabsan Liverpool Ka Hor Kulanka Axada.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Paul Pogba ayaa sheegay in ayna Red Devils la heer ahayn kooxda Liverpool isaga oo sheegay in United la bar-bar dhigi karo Liverpool marka ay ku guulaysato horyaalka premier League.

Tartanka horyaalka premier League ayaa meel xiiso leh maraya iyada oo kooxaha Man United iyo Liverpool isku baacsanayaan kuna jiraan kaalinta 1-aad iyo 2-aad xilli Red Devils 3 dhibcood oo cadaan ah ku hayso hogaanka.

Labada kooxood ayaa Axada isaga hor iman doona kulan adag oo ka dhici doona Anfield kana tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League.

Pogba oo la hadlaya shabakada Sky Sport ayaa yidhi”Waxa aan samaynay horumar badan waxana aan sii wadi doonaa horumarka laakiin wali waxa aan nahay koox da’yar ah”.

“Marka la eego xaalkeena ma odhan karno waxa aan la heernahay Liverpool, sababta oo ah waxa ay ku guulaysteen horyaalka iyo waliba koobab kale”.

“Sidaas darteed Marka aan ku guulaysano horyaalka Premier league ayaan odhan karnaa waxa aan la heer nahay Liverpool”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*