Paul Pogba Oo Maanta Noqon Doona Saxiix Cusub Oo Juventus Ah.

Kooxda Juventus ayaa doonaysa in ay maanta ku dhawaaqdo saxiixa xiddigii hore ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba.

Xiddiga heshiiskiisa Man United dhacay ee Paul Pogba ayaa Juventus u saxiixi doona heshiis 3 sano ah waxana uu maanta noqon doonaa xiddig Juventus ah kadib markii uu ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda.

Xiddiga ayaa ku soo laaban doona Juventus kadib markii uu ka tagay kooxda 6 sano ka hor markaas oo uu ku biiray Man United.

Pogba ayaa maanta oo khamiis ah la kulmi doona maamulka Juventus isaga oo ku sugan maagalada Turin si loo dhamaystiro heshiiska.

Pogba ayaa ogolaaday heshiis uu sanadkii mushahar ahaan uga qaadan doono lacag dhan 9 milyan oo euro laakiin ku kici doona 11 milyan oo euro.

Xiddiga Pogba ayaa Juventus kula soo guulaystay koobab Serie A-da iyo Coppa Itlia halka uu sidoo kale la gaadhay final-ka champions League.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*