Paul Pogba Oo Ka Hadlay Rikoodhadii Uu Ku Galay Kooxdiisa Kulankii Arsenal.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa ka hadlay rikoodhadii uu ku galay kooxdiisa kulankii ay United guuldarada kala kulantay kooxda Arsenal.

Kooxda Man United ayaa guuldaro 1/0 ah kala kulantay kooxda Arsenal kulan ka dhacay Old Trafford kana tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

Xiddiga Paul Pogba ayaa khalad ku galay xiddiga Hictoer Bellerin isaga oo ku jira dilinta 18-ka waxana uu garsooruhu sidaas Arsenal rikoodhe ugu dhigay.

Kadib ciyaarta Pogba oo la hadlaya BBC-da ayaa yidhi”Waxa aan dareemay in aan taabtay, waan ogaa in uu ku dhex jiro dilinta 18-ka ma ahayn in aan sidaas oo kale rikoodhe u galo wax ayaanan ka baran doonaa, laakiin anigu ma ihi xiddig ku fiican difaacid marka lagu jiro dilinta 18-ka”.

“Sababta aan rikoodhada u galay ayaa ahayd in aan Xiiqay sidaas darteed waxa aan sameeyay khalad”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*