Paul Pogba Oo Jawaab La Yaab Leh Ka Bixiyay Ku Biirista Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa jawaab la yaab leh ka bixiyay su’aal laga waydiiyay ku biirista Real Madrid oo uu muddo dheer doonayay.

Zidane oo arintaas ka hadlayaa yidhi”Zidane waxa uu doonayay in aan ku biiro Real Madrid, sida aan horay u sheegay xiddig walba oo kubada cagta wuu jecelyahay in uu u ciyaaro Real Madrid waana riyadayda in aan ku biiro Real Madrid maalin maalmaha ka mid ah”.

“Laakiin haatan waxa aan joogaa Man United, waanan jecelahay kooxda waxana aan doonayaa in aan wax walba u sameeyo sidii aan kooxda ugu soo celin lahaa booskii ay joogtay”.

Pogba oo wax laga waydiiyay heshiis kordhinta Man United ayaa yidhi “Ma jirto cid wax iiga sheegtay arintaas, arintaasna kalama hadlin maamulka kooxda laakiin waxa aan ahay xiddig Man United ah wax walbana waxa aan u samayn doonaa sidii aan u caawin lahaa kooxda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*