Paul Pogba Oo Hal Shardi Ku Xidhay Man United Hadii Uu Heshiis Cusub U Saxiixayo Kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa maamulka kooxdiisa Man United u sheegay in uu doonayo laca dhan 500 kun oo Gini todobaadkii hadii uu heshiis cusub u saxiixayo kooxda.

Xiddiga koobka adduunka ku guulaystay ayay wax 18 bilood ka dhiman uga hadhsanyihiin heshiiskiisa Man United waxana si weyn loola xidhiidhinayaa in uu isaga tagayo kooxda.

Pogba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxda Ole Gunnar Solskjaer laakiin mustaqbalkiisa ayuu shaki ku jiraa United ayaana doonaysa in ay sii haysato kooxda.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu Pogba Man United ka dalbaday mushahar 500 kun oo Gini todobaadkii hadii uu sii joogayo koxda Man United wixii ka dambeeya heshiiskiisa.

Xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha ay ka midka yihiin Juventus, Real Madrid iyo PSG kuwaas oo doonaya saxiixiisa si ay u helaan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 4 Su’aal Oo Cajiib Ah Oo Aad Waydiisid Gabadha Hadii Aad Jeceshahay, Waxyaabo Badan Ayay Kuu Kala Cadaynaysaa, Hadda Waydii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*