Paul Pogba Oo Go’aan Cusub Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Man Unite Kadib Soo Laabashadii Cristiano Ronaldo

Paul Pogba ayaa haatan u janjeera inuu sii dheereeyo joogitaankiisa Manchester United ka dib soo laabashada Cristiano Ronaldo, sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa galay sannadkii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa, wadahadaladii heshiiska cusub ayaana istaagay kadib markii uu xiddigu diiday.

United ayaa wajahaysa suurtagalnimo ay qaab xor ah ugu waayi karta xiddiga xagaaga dambe iyada oo ay kooxaha Real Madrid iyo PSG doonayaan saxiixa xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska The Athletic ayaa sheegaya in uu Pogba haatan ka fikirayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man United.

Wararka ayaa sheegaya in uu xiddigu ku farxay saamayn ay samayso kooxdu todobaadyadii ugu dambeeyay kadib markii uu Cristiano Ronaldo ku soo laabtay kooxda.

Sii Akhriso: Waxyaabaha Uusan Ninku Weydiin Gabadha Uu Jecelyahay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*