Paul Pogba Oo Aan Wali Iska Dhiibin In Uu Ku Biiro Real Madrid, Maxaa Soo Kordhay?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa wali si aad ah u doonaya in uu isaga tago kooxda Man United kuna biiro kooxda Real Madrid xagaagan inkasta oo uu ogyahay in ay adagtahay in uu ku biiro Los Blancos.

Waxa uu doonayaa in uu ka dhigo mid dhaca heshiiskaas inkasta oo uu u baahan yahay mucjiso dhacda hadii uu doonayo in xilli ciyaareedka dambe xidho maaliyada cadaanka ah ee Real Madrid.

Horyaalka Premier League bixitaanka xiddigaha ayaa soo afjarmay marka laga reebo xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso laakiin waxa wali jirta fursad uu ugu biiri karo kooxda Real Madrird marka loo eego in uuna xiddigu wali maskaxdiisa badalin dhanka bixitaanka xilli uu ku rajo weyn yahay in ay Man United hoos u dhigto qiimihiisa.

Laakiin Man United ayaa ka baxday suuqii xagaaga iyaga oo aan badalkiisa u dhaqaaqin inkasta oo uu si cad ugu sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda xagaagan.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uuna Paul Pogba kooxdiisa ku qasbi doonin in la iibiyo laakiin waxa uu diyaar u yahay in uu mar kale kooxda ka codsado in ay iska fasaxdo xagaagan iyada oo ayna guushii ay Man United ka gaadhay chelsea badalin go,aankiisa ku aadan rabitaankiisa in uu isaga tago kooxda.

Advertisements

Dhanka maamulka Kooxda Real Madrid waxa ay ka dagan yihiin xaalada xiddiga xilli ay sidoo kale doonayaan saxiixa xiddiga iyaga oo aan diyaar u ahayn in ay xiddiga reer France ka bixiyaan xitaa lacag ku dhaw 150 ama 200 milyan oo euro.

Wakiilka xiddiga ee Mino Raiol ayaa dhankiisa raadinaya xal uu xiddiga uga caawiyo in uu ku biiro kooxda Real Madrid isaga oo aan joojin doonin arintaas wakhti dhaw isaga oo la balansan maamulka labada kooxood maalmaha soo socda si uu United si cad ugu sheego in uu Pogba doonayo in uu ka ciyaaro Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*