Paul Pogba Haatan Kuma Faraxsana Man United Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa qirtay in Paul Pogba uusan haatan ku faraxsaneyn Old Trafford sababo la xiriira qaab ciyaareedkiisa xun.

Xiddiga khadka dhexe ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda Man United kadib markii uu qaab ciyaareed xun soo bandhigay kulamadii ugu horeeyay.

Laakiin Pogba ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican marka uu u ciyaarayo xulka qarankiisa taas oo keentay in uu tababaraha xulka qaranka France amaano xiddiga.

Waxa jiray warar sheegaya in uu Paul Pogba doonayo in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda Man United kadib si xor ah uga tago kooxda Man United.

“Waan kala hadlay Paul arintaas maanta, dabcan kuma araxsana kooxda sabab la xidhiidha in uuna si fiican u ciyaarayn”ayuu Solskjaer u sheegay Mirror.

“Kuma faraxsanayn qaab ciyaareedkiisa waxana uu isla booskaas uga ciyaaraa xulka qaranka France sidaas darteed ma ahan wax kala duwan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*