Paul Merson ayaa aaminsan in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri uu si badheedh ah u ‘caawiyay’ Arsenal inay ku guulaysato Premier League xilli ciyaareedka soo socda ka dib markii uu si xun u weeraray kooxda Mikel Arteta.
Pep Guardiola ayaa ku hogaamiyay Man City inay ku guuleysato horyaalkii afaraad oo xiriir ah xilli ciyaareedkan, iyadoo Sky Blues ay mar kale ku garaacday Arsenal koobka Premier League.
Intii lagu guda jiray dabaaldega horyaalka Manchester City ee Etihad Stadium, Rodri ayaa su’aal galiyay qaabka Arsenal ay barbardhac gool la’aan ah ugu galeen kooxda ay xafiiltamaan bishii March.
Mar wax laga weydiiyay sida ay City guusha u sii wadato mar uu wareysi siinayay Optus Sport, Rodri ayaa madaxiisa farta ku fiiqay wuxuuna yiri: “Runtii, waxaan u maleynayaa inay halkaan ku jirto [maskaxda]. Waa maskaxda.
“Markii ay nagula ciyaareen Etihad waxa aan maqlay iyaga Oo leh ‘waxa aan doonaynaa kaliya bar-baro ayayna naga badin”.
“Arintaas ay saameeyeen uma malaynayo in Aan anagu samayn lahayn”.
Merson ayaa aaminsan in hadalka Rodri uu ahaa ‘mid qallafsan’ wuxuuna sheegay inay Arsenal siin doonaan dhiirogelin dheeri ah oo ay ugu dambayn ku garaacdo Manchester City horyaalka Premier League.
“Hadalka Rodri ayaa kaliya caawin doona Arsenal” ayaa u sheegay Sky
“Waxaad ka soo noqotaa fasaxa, waan ku tusi doonaa’.
Be the first to comment