Paul Merson Oo Sheegay In Ay Arsenal Ku Guulaysan Doonta Premier League Xilli Ciyaareerdkan Iyo Hal Sabab Oo Uu Sheegay.

Xiddigii hore ee kooxda Arsenal Paul Merson ayaa aaminsan in Gunners ay ku guulaysan doonto Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareerdkan kadib  markii ay la Soo saxiixatay xiddiga Eberechi Eze.

Khadka dhexe ee weerarka Crystal Palace ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Mikel Arteta suuqan xagaaga.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa diiday inuu u dhaqaaqo Tottenham si uu ugu biiro Arsenal.

Merson waxa uu aaminsan yahay in Eze uu ku Soo baxayo Arsenal isla markaana uu wax ka badali karo ciyaarta taas oo Arsenal ka caawin doonta in ay ku guulaysato horyaalka Premier league.

“Eze waa saxiix cajiib ah, waa ciyaaryahan wax ka bedeli Kara ciyaarta kooxda kulamada adagna waxa uu awood u leeyahay inuu jabiyo daafacyada”.

“Waxan qabaa in Arsenal horyaalka ku guulaysan Doonto kadib saxiixa Eze”ayuu yidhi.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga