Paul Merson Oo Sameeyay Saadaasha Kulamada Premier league Todobaadkan.

Paul Merson ayaa sameeyay saadaalintiisii ugu horaysay ee kulamada furitaanka xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Premier League ayaa maanta si Rasmi ah u bilaaban doona iyada oo lagu furi doono kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Crystal Palace iyo Liverpool.

khabiirka sky sport Paul Merson ayaa sameeyay saadaashii ugu horaysay ee kulamada todobaadkan isaga oo saadaaliyay natiijooyinka iyo sida ay noqon doonaan kulamada todobaadkan.

Paul Merson ayaa dhamaan kooxaha waaweyn u saadaaliyay in ay gaadhi doonaan guulo kulamadooda ugu horeeya marka laga reebo kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.

Merson ayaa saadaaliyay in ay Man City bar-baro la gali doonto kooxda West Ham kaas oo ah kulanka ugu adag marka loo bar-bar dhigo kulamada kale.

Halkan Hoose Kaga bogo Saadaalinta Paul Merson ee kulamada ugu horeeya ee horyaalka premier League:

Crystal Palace 1-3 Arsenal

Fulham 0-2 Liverpool

Bournemouth 0-2 Aston Villa

Newcastle United 2-0 Nottingham Forest

Tottenham Hotspur 2-0 Southampton

Leeds United 1-1 Wolverhampton Wanderers

Everton 1-2 Chelsea

Leicester City 2-1 Brentford

Manchester United 2-1 Brighton & Hove Albion

West Ham United 1-1 Manchester City

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*