Xiddigii hore ee England, Paul Merson, ayaa saadaaliyay in Arsenal ay si fudud u garaaci doonto Liverpool marka ay labada kooxood ee waaweyn ee Premier League isku arkaan habeenka Khamiista.
Merson, oo ku qoray tiirkiisa SportsKeeda, ayaa sheegay in guushaasi ay ka saari doonto kooxda uu hogaamiyo Arne Slot “si buuxda tartanka horyaalka”.
Gunners-ku waxay doonayaan guushoodii shanaad oo xiriir ah marka ay martigelinayaan horyaallada.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa yaab kala kulantay usbuucii hore kaddib gool daqiiqadihii dambe ay Fulham ka dhaliyeen, taasoo keentay in 2-2 lagu qabto garoonka Craven Cottage.
“Haddii aad tahay Arsenal, waa waqti aad u fiican inaad la ciyaarto Liverpool,” ayuu yiri Merson, isagoo saadaaliyay guul 3-1 ah oo ay Arsenal gaarto.
“Haddii Arsenal ku badiso Emirates, Liverpool gabi ahaanba way ka baxayaan tartanka horyaalka!
“Wax jira oo si sax ah u shaqaynaya kama muuqdo Liverpool, mana arko inay natiijo ka helayaan halkan.”
Be the first to comment