Halyeeyga Arsenal, Paul Merson, ayaa sameeyay saadaashiisa kulamada todobaadka 32-aad ee Premier League, kuwaas oo la ciyaari doono Jimce, Sabti, Axad iyo Isniin.
West Ham United ayaa Jimcaha ku martigelin doona Wolverhampton Wanderers garoonka London Stadium, halka Arsenal ay Sabtida galab ku wajihi doonto AFC Bournemouth garoonka Emirates Stadium.
Sabtida fiidkii, Liverpool ayaa ku qaabili doona Fulham Anfield, halka Chelsea ay Axadda la ciyaari doonto Manchester City Stamford Bridge.
Isagoo saadaashiisa ku bixiyay Sportskeeda, Merson wuxuu sheegay in Manchester United ay barbaro 1-1 la geli doonto Leeds United Isniinta habeenkeeda.
Saadaashiisa kale waxaa ka mid ah:
West Ham United 2-1 Wolves
Arsenal 3-0 Bournemouth
Brentford 1-2 Everton
Burnley 1-2 Brighton & Hove Albion
Liverpool 2-0 Fulham
Crystal Palace 0-2 Newcastle United
Sunderland 2-1 Tottenham Hotspur
Nottingham Forest 1-1 Aston Villa
Chelsea 1-1 Manchester City
Be the first to comment