Paul Merson Oo Magacaabay Saddex Tababare Oo Premier League Kula Guulaysan Kara Kooxda Man United Ee Haatan.

Paul Merson ayaa magacaabay seddex tababare oo uu u maleynayo inay kooxda Man United ee haatan kula guulsan karo horyaalka premier League xilli Solskjaer wajahayo dhaleecayn xoogan.

Red Devils ayaa guuldaro la kulantay 3 kulan oo ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay taas oo keentay su’aasha ah in ay United ku guulaysan karto koobab.

Mid ka mid ah dadka aadka u dhaleeceeya Solskjaer ayaa ah Halyeeyga Arsenal ee Merson kaas oo magacaabay 3 tababare oo Kooxda Man United ee haatan koobab kula guulaysan kara.

Xiddigii hore ee Arsenal ayaa sheegay in tababaraha Manchester City Pep Guardiola, tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ay Koobab kula guulaysan karaan Man United hadii ay iyagu hogaamin lahaayeen Man United.

“Waxay u baahan yihiin inay helaan kooxda saxda ah waxa aad Aston Villa kula ciyaaraysaa garoonkaaga kuwaas oo aan si fiican ku bilaaban xilli ciyaareedka, inkasta oo hadii aad garaacdo aad helayso 3 dhibcood oo fiican”ayuu u sheegay Sky Sport.

“Laakiin looma baahna in aad 2 xiddig oo khadka dhexe ee daafaca ah kula ciyaarto Aston Villa, waxa ay ahayd in ay weeraraan Villa, hadii aan anigu iyaga ahaan lahaa, arintaas waxa ay ii sheegaysaa in ay iga cabsanayaan”ayuu sii raaciyay.

“Isku dheelitirnaantu waa khalad, waxa aan sheegay markii uu Ronaldo yimid in uuna noqon sidii hore, Ole Gunnar Solskjaer dhab ahaantii ma u baahnaa isaga?”.

“Tani waa sida aan u arko – haddii Thomas Tuchel, Jurgen Klopp ama Pep Guardiola ay joogi lahaayeen Man Utd, waxay kooxda Man United ee haatan kula guulaysan lahaayeen Premier League”.

“Laakiin waxaan sheegay laga bilaabo maalinta koowaad inaysan fursad u haysan inay ku guuleystaan ​​Premier League”.

Sii Akhriso: Gabadheey!! Ma Doonaysaa In Aad Ogaatid In Uu Ninku Yahay Mid Kugu Haboon Adiga, Ma Doonaysaa In Aad Ku Ogaatid Shakhsiyadiisa Kulanka Ugu Horeeya, 3-dan Su’aal Ayaa Kaaga Filan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*