Paul Merson Oo Magacaabay Kulanka Ugu Adag Ee U Hadhay Arsenal Tartanka Premier League.

Paul Merson ayaa magacaabay kulanka ugu adag ee u hadhay Arsenal premier League kadib markii ay garaaceen Tottenham.

Gunners ayaa 3/2 kaga badisay kooxda Tottenham kulan ka Tirsanaa horyaalka premier League iyaga oo sii wada guulaha xidhiidhka ah.

Natiijadaas ayaa Gunners ka dhigaysa in ay 1 dhibic ka horayso Man City oo ka badisay kooxda Nottingham Forest.

Kadib guusha Arsenal Merson ayaa yidhi”Kulanka ugu adag ee haatan u hadhay Arsenal waa Kulanka Man United”.

“Uma malaynayo in uu kulan adag u hadhay Arsenal marka laga reebo kulanka Man United”

Arsenal ayaa raadinaysa ku guulaysiga horyaalka markii ugu horaysay muddo 20 sano ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga