Paul Merson Oo Magacaabay 4-ta Kooxood Ee Ku Guulaysan Kara Premier League Xilli Ciyaareedka Cusub.

Xiddigii hore ee Arsenal iyo England Paul Merson ayaa magacaabay afarta koox ee uu aaminsan yahay inay ku guuleysan karaan Premier League xilli ciyaareedka soo aadan.

Man City ayaa ku guulaystay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore iyada oo kooxda Pep Guardiola badisay 27 kulan 12 dhibcoodna ku qaaday horyaalka premier League Iyada oo ka qaaday Man United.

Red Devils ayaa dhankeeda u tartami doonta ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedka dambe sidoo kale Liverpool ayaa la filayaa in ay samayso horumar.

Kooxda ku guulaystay champions League ee chelsea oo dhankeeda kaalinta 4-aad ku dhamaystay premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa dhankooda la filayaa in ay tartamaan sida uu sheegay Paul Merson.

“Xilli aan ku sii dhawaanayno bilowga xilli ciyaareedka cusub ee premier League waxa aan rumaysanahay in uu noqon doono midkii ugu adkaa taariikhda premier League”ayuu Merson u sheegay Sportskeeda.

“Man City, Man United, Liverpool iyo chelsea ayaa dhamaantood ku guulaysan kara horyaalka premier League umana malaynayo in ay jiri doonto koox dhibco badan ku qaada horyaalka”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Calaamadaha Aad Ku Ogaan Kartid In Aad Jeceshahay Qof Aan Ku Jeclayn

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*