Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee England, Paul Merson, ayaa sheegay in horyaalka Premier League uusan hadda gacanta ugu jirin Arsenal.
Merson ayaa ka hadlayay Sky Sports kadib markii Gunners ay lumiyeen hoggaan laba gool ah oo ay ku hogaaminayeen, kuna dhammaatay 2-2 kulankii ay la yeesheen Wolverhampton Wanderers habeenkii Arbacada.
Goolasha ay dhaliyeen Bukayo Saka iyo Piero Hincapie ayaa waxaa ka jawaabay Hugo Bueno iyo Tom Edozie.
Merson ayaa sheegay in ciyaartoyda Arsenal ay ku fashilmeen inay “ilaashadaan ciyaarta” marka ay hoggaanka hayeen.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in Manchester City ay ka faa’iideysan doonto qaladkaas, isla markaana cadaadis saari doonto kooxda uu maamulo Mikel Arteta.
“Ciyaartan waa in la ilaalin lahaa. Fursadahaan dib looma helo, waa laba dhibcood oo si buuxda loo tuuray,” ayuu yiri Merson.
“Manchester City way ku ciqaabi doontaa, hadda xitaa ma aha mid gacanta ugu jirta Arsenal. Waa wax aan la rumeysan karin waxa dhacay.”
Be the first to comment