Paul Merson: Darwin Nunez Ayaa Liverpool Ka Hor Istaagi Kara Ku Guulaysiga Premier League.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in uu Darwin Nunez ka hor istaagi karo Liverpool ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Liverpool ayaa 100 milyan ka soo bixisay xiddiga Nunez suuqa xagaaga iyaga oo kala soo wareegay kooxda Benfica.

Xiddiga reer Uruguay ayaa haatanba la kulmay dhaleecayn kadib markii uu fursado waaweyn khasaariyay daqiiqadihii uu u ciyaaray Liverpool.

Paul Merson ayaa sheegay in hadii uuna Darwin Nunez soo bandhigin qaab ciyaareed fiican xilli ciyaareedkan ay Liverpool seegi doonto ku guulaysiga horyaalka premier League.

“Waxaan u maleynayaa in Manchester City ay ku guuleysan doonto Premier League hadii uu Nunez soo bandhigi waayo qaab ciyaareed fiican”ayuu Merson yidhi.

“Imaatina Haaland ayaa ah mid u fiican Pep Guardiola laakiin Liverpool ayaa si fiican ugu tartami doonta horyaalka”.

“Hadii uu Darwin Nunez soo bandhigi waayo qaab ciyaareed fiican waxana ay Liverpool ku dhibaatoon doontaa in ay tartamaan”ayuu sii raacyay.