Paul Ince Oo Saadaaliyay Halka Ay Man United Kaga Dhamaysan Karto Premier League Kadib Guuldaradii Arsenal.

Halyeeyga kooxda Man United ee Paul Ince ayaa saadaaliyay in ay Man United ku dhamaysan doonto 6-da kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League kadib markii ay 3 guuldaro la kulantay 6-dii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka.

Sida xun ee ay United ku bilaabatay xilli ciyaareedka ayaa sii socotay kadib guuldaro 1/0 ah oo ay kala kulantay Arsenal Axadii.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan ku jirta kaalinta 15-aad ee kala saraynta horyaalka premier Leagueiyaga oo gaadhay laba guul iyo hal bar-baro.

Halyeeyga United ee Ince ayaa sheegay in ay qaab xumadu dhibaato ku tahay kooxdiisii hore laakiin uu filayo in ay ku dhamaysan doonto 6 boos ee ugu sareeya horyaalka dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Waxa wali aaminsanahay in ay United ku dhamaysan doonto 6-da boos ee ugu sareeya”ayuu Ince u sheegay Ladbrokes.

“Dhibaatada United ayaa ah in ayna si joogto ah si fiican ugu ciyaarin, marka aad eegto sidii ay u ciyaareen kulankii PSG waxa aad filaysay in ay 4-ta boos ee ugu sareeya ku dhamaysan karto”.

“Laakiin marka aad eegto sidii ay u ciyaareen kulankii Arsenal waxa aad u malaynaysaa in ay nasiib leeyihiin hadii ay ku dhamaystaan 6-da boos ee ugu sareeya”.

Sii Akhriso: DEG-DEG: Somaliland Oo Xukun Adag Oo Lacag & Xabsi Isugu Jira Ku Riday Agaasimaha Guud Ee TV-ga Astaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*