Patrick Vieira Oo Saadaaliyay Kulanka PSG iyo Arsenal Ee Arbacada?

Patrick Vieira ayaa ku adkeysanaya in Arsenal ay awood u leedahay in ay qarxiso lama filaan marka ay wajahdo Paris Saint-Germain habeenka Arbacada lugta labaad ee semi-finalka Champions League.

Gunners ayaa looga naxsaday todobaadkii hore garoonka Emirates markii Ousmane Dembele uu dhaliyay goolkii ugu horeeyay ee jamaahiirta wuxuuna u dhigay qaab ciyaareed heer sare ah.

Nimanka Mikel Arteta hadda waxay wajahayaan buur si ay uga soo kabsadaan goolkii ay PSG ku badisay kulankii hore lugta 2-aad ee tartanka.

Qaab ciyaareedka Arsenal ka hor kulanka PSG ayaan ahayn mid kalsooni abuuri kara marka la eego in ay badisay kaliya hal kulan 5-tii kulan ee ugu dambaysay premier League.

“Daacadii, waxaan si adag u aaminsanahay inay soo laaban karaan. Waxaan hubaa boqolkiiba 100 in kooxda ciyaartoyda iyo tababaruhu ay ogyihiin inay soo laaban karaan, shaki kuma jiro”ayuu yidhi kabtankii hore ee Arsenal.

“Waxay ku qasban yihiin inay ciyaaraan, kulanka ugu fiican meel ka baxsan gurigooda. Horey ayay u sameeyeen waxayna leeyihiin tayo ciyaartoy oo samayn kara”.

“Weli waxay heystaan ​​fursad wanaagsan. Wali waa noolyihiin”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga