Patrick Vieira Oo Magacaabay Xiddiga Ilaa Haatan Ugu Fiican Euro 2020

Halyeeyga France iyo tababarihii hore ee Nice, Patrick Vieira, ayaa amaanay qaab ciyaareed xiddiga garabka uga ciyaara Xulka Netherland ee ee Memphis Depay isaga oo sheegay in uu yahay xiddiga ugu fiican ilaa haatan tartanka Euro 2020.

Xiddiga Memphis Depay ayaa ciyaaray 3-dii kulan ee uu ciyaaray xulka Qarankiisa Netherlands isaga oo dhaliyay 2 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 kale.

Vieira ayaa ka hadlay aragtidiisa wareysigii uu siiyay shabakada Ingiriiska ee “ITV”, wuxuuna yiri: “Memphis waa xidigga ugu fiican tartanka euro 2020”.

“Memphis waxa uu xagaaga ku biiri doonaa Barcelona waxana uu ku soo bandhigi karaa qaab ciyaareed fiican”.

“Waxa aan ka hor tagay dhawr mar xilli ciyaareedkii hore waana xiddig leh tayo fiican waxana uu ku so bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kooxda Lyon”ayuu sii raaciyay.

Sii Akriso: Kulanka Sariirta: Faa’iidada Ugu Weyn Ee Kulanka Sariirta Oo Daraasad Lagu Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*