Paris Saint-Germain Oo Marcus Rashford Ka Dhiganaysa Badalka Neymar & Xiddiga Oo Ogolaaday.

Tababaraha PSG Thomas Tuchel ayaa ka dhigtay Marcus Rashford bartilmaameedkiisa ugu sarreeya ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Tababaraha reer Germany oo galaya sanadkiisii 3-aad ee uu hogaaminayay kooxda PSG ayaa helay wakhti badan oo uu kaga fikiro qorshihiisa suuqa xagaaga kadib markii uu xilli ciyaareedka France dhamaaday todobaadyo ka hor.

Tuchel ayaa haatanba diyaarsaday liiska xiddigo badan oo weerarka ka ciyaara isaga oo madaxda PSG u sheegay in ayna dadka England ayna fahamsanayn sida uu u fiican yahay ciyaaryahan Rashford.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Man United ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 21 gool tartamada oo dhan isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah.

Waxa ay u badantahay in ay United tahay in ay bixiso lacag dhan 100 milyan oo euro si ay u hesho xiddiga waana lacag ay PSG diyaar u tahay in ay bixiso sida laga soo xigtay the Independent.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Rashford diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda PSG hadii ay dalab Rasmi ah ka soo gudbiso saxiixiisa.

PSG ayaa xiddiga reer England u doonaysa badalka Tooska ah ee Xiddigaha Neymar & Kylian Mbappe kuwaas oo lala xidhiidhinayo in ay isaga tagayaan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*