Xiddiga Chelsea, Cole Palmer, ayaa shaaca ka qaaday saddex arrimood oo uu sameeyay tababaraha Liam Rosenior tan iyo markii uu xilka la wareegay Stamford Bridge toddobaadyadii la soo dhaafay, kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay ciyaartoyda Blues-ka.
Sida uu sheegay Palmer, Rosenior wuxuu ciyaartoyda Chelsea siiyaa kalsooni, wuxuuna u oggolaadaa inay si xor ah u ciyaaraan isla markaana ay noqdaan naftooda dhabta ah.
Xiddiga xulka England ayaa hadalkan jeediyay isagoo ka hadlayay nolosha uu ku nool yahay Chelsea tan iyo markii tababaraha 41 jirka ah uu beddelay Enzo Maresca dhowr toddobaad ka hor.
“Nolosha aan ku leenahay Liam Rosenior waa mid cajiib ah, dhammaanteenna kalsooni ayuu na siiyaa,” ayuu Palmer u sheegay BBC kaddib markii Chelsea ay 3–1 kaga adkaatay Wolves kulan ka tirsan Premier League Sabtidii.
“Wuxuu noo oggolaaday inaan ahaanno nafteena, oo aan si xor ah u ciyaarno. Markaan si buuxda u soo kabsado, waad arki doontaan nooca ugu fiican ee aniga ah.”
Kulanka xiga ee Chelsea ayaa ah mid ay la ciyaari doonto Leeds United oo ka tirsan Premier League, waxaana lagu ciyaari doonaa Stamford Bridge maalinta Salaasada.
Be the first to comment