
Xiddiga Arsenal ee Ozil ayaa sameeyay ifafaalo muujinaya halka uu noqonayo mustaqbalkiisa xilli shaki la gilinayo sii joogitaankiisa Emirates .
Ozil ayaa si xooggan loola xariirinayaa in uu ka tagayo kooxdaas waliba inta suuqa xagaaga uu furan yahay waliba kooxdiisa aysan diidaneyn arinkaas
Ozil ayaan wax kulan ah u safan Arsenal tan iyo markii ciyaaraha dib u biloowdeen bishii June ka dib hakad uu u galay xanuunka caabuqa dartiis
Wax qarsoon ma aha in Ozil uusan ku jirrin qorshaha tababare Arteta xilli ay xusid mudan tahay in hishiiska Ozil ee Arsenal uu dhacayo xagaaga 2021-da
Wargeyska Mirror ayaa qoraya in mustaqbalka Ozil halka uu noqon doono ay isa soo tareyso ka dib markii uu bartiisa Instagram uu ku baahiyay sawirka isaga oo la sawiran tababaraha kooxda reer Turki Başakşehir
Waxa ay tani imaaneysa xilli Ozil horay loola xariiriyay kooxdaas reer Turku kuwaas oo aan qarrin xiisaha ay qabaan laacibkaas asal ahaanta Turkiga ah
Be the first to comment