Ozil, Messi, Ramos, Alaba, De Bruyne, Lacazette & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxaha kala duwan ee yurub ay suuqa u gali doonaan si ay u xoojiyaan kooxohooda.

Sidoo kale waxa jira xiddigo aan si joogto ah u ciyaarin kuwaas oo doonaya in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Kooxda.com ayaa xusaysa in wararka aanu ka soo xiganay wargaysyada kubada cagta ee ku hor xusan wararka wax masuul ahna kama nihin.

Kooxda Liverpool ayaa dalab ka gudbisay saxiixa daafaca kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos sida ay sheegayaan wararku (El Chiringuito).

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Marcos Rojo ayaa wadahadalo kula jira kooxda Boca Juniors (Clarin).

Kooxda Ac Milan ayaa ku dhaw in ay dhamaystirto saxiixa daafaca kooxda Strasbourg ee Mohamed Simakan (Gazzetta dello Sport).

Xiddiga Lucas Torreira ayaa iska diiday in uu ku soo laabto kooxda Arsenal soona afjaro amaahda uu kula joogo kooxda Atletico Madrid (Mundo Deportivo).

Koooxda Atletico Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Lyon ee Moussa Dembele si ay ugu buuxiso booska Diego Costa (Don Balon).

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa iska diiday kooxaha Man United iyo Man City (SportBild).

Mesut Ozil ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Fenerbahçe (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Alexandre Lacazette u sheegtay in uu sugo ilaa xagaaga si uu heshiis cusub ugu saxiixo kooxda (The Sun).

Kooxda Liverpool ayaa Real Madrid kula biirtay tartanka saxiixa xiddiga daafaca Bayern Munich ee David Alaba (The Sun).

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayay u badantahay in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan sida uu sheegay mushaharaxa madaxweynaha ee Agusti Benedito (The Sun).

Kooxda PSG ayaa suuqa dhigtay ugu yaraan 5 xiddig oo uu ku jiro Ander Herrera (The Sun).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man City ee Kevin De Bruyne ayaa iska diiday heshiiska cusub ee ay kooxdu u soo bandhigtay (Mirror).

Laakiin Pep Guardiola ayaa ku kalsoon in uu xiddigu saxiixi doono heshiiska cusub (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa beenisay wararka sheegaya in ay xiiso u qabto saxiixa xiddiga Emiliano Buendia sabab la xidhiidha in ayna awood u lahayn in ay bixiso lacagta lagu doonayo xididga (Mirror).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georginio Wijnaldum ayaa iska diday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay kooxda Liverpool (Sky Sport).

Daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa iska diiday heshiis hal sano ah oo ay Los Blancos u soo bandhigtay isaga oo doonaya heshiis intaas ka badan (Marca).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*