Ozan Kabak Oo Magacaabay Cida Ka Caawinaysa In Uu Noqdo Daafac Fiican Inta Uu Joogo Liverpool.

Xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ozan Kabak ayaa ugu dambayn lagu arkay maaliyada Casaanka ah ee Liverpool kadib markii xalay Si Rasmi ah loo soo bandhigay saxiixa xiddiga.

Kabak ayaa ka mid ahaa laba saxiix oo ay Liverpool samaysay maalintii ugu dambaysay suuqii January ee Isniintii la soo dhaafay.

Daafaca 20 jirka ah ee Ozan Kabak ayaa sheegay in ka garab ciyaarista xiddigaha Sadio Mane, Roberto Firmino & Mohamed Salah ka caawin doonto in uu noqdo xiddig fiican.

Kabak oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Ka garab ciyaarista xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino ayaa iga caawinaya in aan noqdo xiddig fiican oo si fiican u ciyaara”

“Xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino waxa ay ka mid yihiin weeraryahanada ugu fiican adduunka in aan tababarka kaga hor tago maalin walbana waxa ay iga caawinaysaa in aan noqdo xiddig fiican”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*