Owen Hargreaves Oo Sharaxay Sababta Uu Donny Van de Beek Ugu Dhibaatoonayo United

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Manchester United Owen Hargreaves ayaa qirtay inuu xoogaa ku wareersan yahay go’aanka kooxda ee ku aadan saxiixa Donny van de Beek.

Xiddiga reer Holland ayaa 40 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda Man United isaga oo kaga soo biiray kooxda Ajax.

Xiddiga 23 jirka ah ayaan wali wax premier League ah ku bilaaban xilli ciyaareedkan isaga oo kaliya u ciyaara tartanka Carabao Cup-ka.

Halyeeyada reer Holland ee Marco van Basten iyo Daley Blind ayaa dhaleeceeyay go’aankii Van De Beek ee ahaa inuu ku biiro kooxda Man United Inkasta oo uu Hargreaves aaminsanyahay in uu xiddiga reer Holland heli doono wakhti uu ku ciyaaro hadana waxa uu sheegay in uu mar walba ka dambayn doono Paul Pogba iyo Bruno Fernandes.

Markii la weydiiyay sababta Van de Beek uu sida gaabiska ah ugu bilaabay kooxda, Hargreaves ayaa u sheegay BT Sport: “Sababtoo ah waxa ay kooxda ku haystaan laba xiddig oo ka ciyaari kara No.8 waana Bruno iyo Pogb aniguna waan ka soo hor jeeday saxiixiisa”.

“Marka ay Man City u baahantahay xiddig waxa ay la soo saxiixdaan xiddig ayna haysan waxaan u malaynayaa in ay United haysato labada xiddig”.

Sii Akhriso: Aflagaadeynta Nabiga waa aflagaadeynta Muslimiinta oo dhan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*