Owen Hargreaves ayaa sheegay in inkastoo uu jecel yahay Joshua Zirkzee, hadana waxa uu sheegay in aanu xiddigu ahayn Jawaabta Xalka dhibta Man United ee gool dhalinta.
Zirkzee ayaa United kaga soo biiray Bologna xagaagii aduun dhan 36 milyan oo euro waxana uu sameeyay saamayn deg deg ah isaga oo goolkii guusha ka dhaliyay Fulham kulankiisii ugu horeeyay.
Waxa uu ku soo bilowday kulankiisii ugu horeysay ee kooxda guuldaradii 3-0 ka soo gaartay Liverpool axadii, waxaana lagu doodi karaa inuu ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa Red Devils oo soo bandhigtay qaab ciyaareed aan wanaagsaneyn.
Weerar yahanka dhexe ayaa ku dhawaaday inuu labo gool dhaliyo, waxaana uu u muuqday xiddiga ugu fiican kooxda kulanka.
Laakiin Hargreaves kuma qancin in 23 jirkan uu yahay xal wakhti dheer ah waxana uu aaminsan yahay in United ay ku qasban tahay in ay la soo wareegto gool dhaliye heer caalami ah hadii ay doonayso in ay la tartamaan kooxaha waaweyn.
“Aad ayaan u jeclahay isaga, waa ciyaartoy fiican laakiin ma ahan dilaa sida Haaland kaas oo kuu dhalinaya 40 gool”ayuu yidhi xiddigii hore ee Man United.
“Waan ka helay isaga, waxaan filayaa inuu United u noqon karo ciyaartoy aad u fiican laakiin dhibaatadu waxa ay tahay in ay haystaan laba xiddig oo fiican sida Hojlund iyo Zirkzee laakiin ma gaadhayaan Haaland”.
Be the first to comment