Owen Hargreaves Oo Magacaabay Kooxda Kaliya Ee Man City Ka Hor Istaagi Karta Ku Guulaysiga 4 Koob Xilli Ciyaareedkan

Owen Hargreaves ayaa aaminsan in ay man City ugu cad-cadahay ku guulaysiga 4 koob xilli ciyaareedkan waliba kooxda Bayern Munich tahay kooxda kaliya ee arintaas ka hor istaagi karta.

Inkasta oo uu qirtay in kulan walba lugu kala guulaysan karo laguna kala badin karo natiijo yar marka aad eegto tartanka heerarka sare hadana waxa uu sheegay in ay kooxda Bayern Munich tahay kooxda kaliya ee halista ku ah Man City.

Kooxda Pep Guardiola ayaa iska xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions league kadib markii ay garaaceen kooxda Borussia Mönchengladbach.

Man City ayaa haatanba gaadhay Final-ka Carabao Cup-ka iyaga oo wajihi doona Tottenham halka ay sidoo kale wali ku jiraan FA Cup-ka sidoo kale 14 dhibcod ku hogaaminayaan horyaalka.

“Waxan u malaynayaa in aad tidhahdo Man City way ku guulaysan kartaa 4 koob xilli ciyaareedkan”ayuu Hargreaves u sheegay BT Sport.

“Waan ognahay in kulan walba lagaa badin karo waliba sidoo kale aad badin karto”.

“Kooxda kaliya ee joojin karta ayaa ah Bayern Munich waana kooxda kaliya ee aan arko”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*