Ousmane Dembele Oo Iska Diiday In Uu Ku Biiro Man United, Sabab.

Xiddiga garabka uga ciyaara Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku biirista kooxda Man United suuqa xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Man United bilihii ugu dambeeyay ka hor suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ousmane Dembele ayaa kulamo badan u ciyaaray kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo ciyaaray 36 kulan tartamada oo dhan isaa oo dhaliyay 10 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 4 gool.

Red Devils ayaa ku dhawaatay saxiixa xiddiga Ousmane Dembele xagaaii hore iyaga oo qaab amaah ah ku doonayay saxiixa xiddiga laakiin Barcelona ayaa diiday in ay iibiso xiddiga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in uu Ousmane Dembele ka war qabo xiisaha ay Man United u qabto saxiixa xiddiga laakiin uuna doonayn in uu ku biiro Man United xagaaga.

Ousmane Dembele ayaa doonaay in uu sii joogo kooxda Barcelona waliba uuna doonayn in uu ku biiro kooxda Man United suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*