Ousmane Dembélé Oo Fure U Ah Ku Biirista Raheem Sterling Ee Barcelona.

Sida laga soo xigtay wararka ka imanaya Spain, ku biirista Raheem Sterling waxa fure u ah xiddiga Ousmane Dembélé weeraryahanka kooxda.

Xiddiga Raheem Sterling ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Barcelona xilli uu shaku ku jiro mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu ka baxay qorshaha tababare Pep Guardiola.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in imaatinka Sterling ee Barcelona ay ku xidhantahay mustaqalka Ousmane Dembélé kaas oo ku jira heshiiskiisii ugu dambeeyay ee kooxda Barcelona.

Hadii ay Barcelona waydo saxiixa xiddiga Ousmane Dembélé Waxa ay awoodooda isugu gayn doonaan saxiixa xiddiga Sterling xagaaga ama suuqa January ee soo socda.

Tababare Pep Guardiola ayaan diidi doonin bixitaanka Sterling ee Man City xilli uu heshiiskiisa Man City dhici doono xagaaga 2023 waliba uu doonayo in uu iska fasaxo hadii uu dalab fiican u yimaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*