Oscar Oo Xaqiijiyay In Ay Barcelona Doonayso Saxiixiisa & Halka Dhib Ee Hor Istaagi Kara Heshiiska.

Wararka Barcelona la xidhiidhinaya xiddiga Oscar ayaa ah mid run ah sida uu xaqiijiyay xiddiga laftiisu.

Isagoo la hadlayay TNT Sports oo wareysi gaar ah siiyay, 30 jirkaan ayaa sheegay in Barcelona ay isku dayeyso saxiixiisa.

“Wali ma dhamaanin wada hadalada Barcelona” ayuu yiri Oscar.

“Dhibaatada ayaa ah inay ku dhibtoonayaan inay diiwaan geliyaan saxiixyada sidaas darteed waa in ay xiddigo kale iska fasaxaan”.

Barcelona ayaa dhawaan diiwaan gashatay Dani Alves iyo Ferran Torres kadib markii ay iska iibisay xiddiga Philippe Coutinho isla markaas hoos u dhigtay mushaharka Samuel Umtiti.