
Ciyaar aan halis badneyd ayay aheyd xilli Chelsea si weyn kubad haysashada ugu sareeysay qeybta hore waxa ayna labada koox ka sheegteen in kubad muuqata ay gaarsiiyaan afka hore .
Goolka Chelsea waxa u yimid daqiiqaddii 22-aad waxaana dhaliyay Callum Hudson-Odoi kaasi ayaa nasiinada lagu aaday xilli guud ahaan ciyaarta aheyd mid iska deggan
Rennes isku dayo ay sameeyeen waxaa u diiday goolhayaha Chelsea , waxaa xusid mudan in labada koox ay ka maqneyd in ay diiradda saaraan ciyaarta gaar ahaan marka weerarka dhisayaan , waxa ayna Chelsea badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadihii 68 iyo 69-aad iyaga soo giliyay N’Golo Kante ito Olivier Giroud halkka ay sii xigeen Hakim Ziyech iyo Havertz
Sidaas oo ay tahay labada koox waxaa ka muuqatay kalsooni balse xalka in shabaqa la booqdo ayaa ka maqnaa xilli ay dhamadkii isu diideen in koox si gaar ah kubadda cagta ugu hayso balse kooxd amartida loo ahaa waa ay carbonaayeen
Dadaal ay sameeyeen Rennes waxa ay ku keeneen goolka bar bar dhaca daqiiqadii 85-aad balse dabaal degaas waxaa waqtigii dheeriga diiday Olivier Giroud oo gooo labaad u dhaliyay Chelsea waxa ayna ku dhamaatay 2/1
Be the first to comment