Olivier Giroud Oo Kashifay Sababtii Ka Dambaysay Dabaal Dagii Uu Sameeyay Kadib Goolkii Norwich City.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Olivier Giroud ayaa sharaxay sababtii ka dambaysay dabaal dagii uu sameeyay kulankii ay Blues guusha ka gaadhay kooxda Norwich City.

Olivier Giroud ayaa badalay dabaal dagiisii caadiga ahaa ee looga bartay isaga oo sameeyay dabaal dag uu u muuqday mid wax ku qorayay gacantiisa Bidix isaga oo qalin ahaan u adeegsanayay gacantiisa midig.

Weeraryananka Olivier Giroud ayaa sheegay in uu N’Golo kante dartiis u badalay dabaal dagiisa kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Norwich City kulankii Premier League.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa yidhi”Waxa aan dabaal daga u sameeyay N’Golo Kante dartiis, sidaas kaliya”.

Xiddiga khadka dhexe ee Kante ayaa dhaawac ku seegay kulankii Norwich City xilli uu xiddiga reer France ku dhibaatoonaya dhaawacyo xilli ciyaareedkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*