Olivier Giroud Oo Gaadhay Maagalada Milan Si Uu U Dhamaystiro Ku Biiristiisa Ac Milan

Xiddiga Olivier Giroud ayaa qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Ac Milan inkasta oo uu heshiis cusub u saxiixay kooxda Chelsea kadib dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa haatan gaadhay dalka Italy gaar ahaan maagalada Milan si uu u dhamaystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Ac Milan.

Kooxaha Ac Milan iyo chelsea ayaa ka heshiiyay saxiixa xiddiga reer France kadib wadahadalo muddo dheer socday iyaga isku af gartay in uu xiddigu ku biiro kooxda Ac Milan inta lagu jiro suuqa xagagaan.

Xiddiga reer France ee Olivier Giroud ayaa isaga tagi doona magaalada London kadib 9 sano oo uu joogay caasimada England isaga oo ku biiraya kooxda Ac Milan.

Olivier Giroud Ayaa Tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Ac Milan ka hor inta aan lagu dhawaaqin heshiiska uu ugu biirayo kooxda maalmaha iyo saacadaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*