Ole Gunnewr” Garsooraha Laba Qalad Ayuu Naga Galay Kulankii Sheffield United”.

Tabaaraha kooxda Man United ee Ole Gunner ayaa ka hadlay guul daradii xalay ay kala kulmeen kooxda Sheffield United.

Laba gool iyo hal ayaa lagu garaacay United oo garoonkeeda joogtay waxa uuna kulanakas ka tirsanaa wareegga 20-aad e horyaalka Ingiriiska

BBC Sport ayuu Ole ka yiri ” kubadda waan haysanay balse wax xun ayay aheyd in aan laba gool qaabilnay”.

“Ma aynu abuurin fursado badan , waayo kooxda aan la ciyaareynay daafca ahaan waa ay adkaayeen , dhab ahaan ammaan ayay mudan yihiin xaggeena xal waan u waynay in aan kala furnno daafacooda”.

” Waa niyad jab , kuma aynu soo muuqan heer ciyareedkii bilihii la soo dhaafay aynu muujinay , waa in aan xal u heli karnaa marka kooxda aan la ciyaareyno ay daafac ku jirto sida kulankii xalay”

Mar uu ka hadlayay go`aanada garsooraha waxa uu Ole Yiri ” goolkoodii koowaad sax ma aheyn , goolkii nalaga diiday isna qalad ma aheyn”

” Lama joogo waqti haatan la qoomameyo , kulanka Arsenal ayaan xoogga saareynaa , guul dardaan waan iloobaynaa balse cashar ayay inoo tahay” ayuu sii raaciyay Ole

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*