Ole Gunner ” Horaalka Ingiriiska Lama Saadaalin Karo Xilli Ciyaareedkaan, Hal Arin Ayaana Dareemay Kulankii Fulham”

Tababaraha Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa diiday inuu ka hadlo loolanka loogu jiro hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.

United ayaa xalay guul muhiim ah waxa ay ka gaareen Fulham oo ay uga talaabsadeen 2/1 taasi oo keentay in ay hogaanka ku soo laabtaan .

United ayaa haatan leh 40 dhibic waxa ayna laba dhibic ka sareeyaan Man City oo uu u jiro kulan u baaqday oo ay la leeyihiin Everton .

BBC Sport ayuu Ole Gunner ka yiri ” marka xilli ciyaareedka kala bar uu marayo waa ay jireysaa hadal haynta ah hogaanka horyaalka balse xaggeena kama fikireyno arintaas”.

” Run ahaantii xilli ciyaareedkaan horyaalka Ingiriiska lama saadaalin karo” ayuu sii raaciyay Ole Gunner

” Haatan kaliya waxaan diiradda saareynaa marxaladda nagu soo wajahan , iskuma mashquulineyno in aan horyaalka hayno”

Ole oo ka hadlay guushi Fulham waxa uu yiri” wadnaha afka ayuu ii soo galay xalay”

United ayaa kulanka soo socda ee horyaalka waxa ay arbacadda la ciyaareysa kooxda Sheffield United .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*