Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Uu Raphael Varane Sababta U Noqday In Uu Ka Tago Man United.

Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay inuu rajeynayo inuu Axel Tuanzebe ka tago kooxda ka dib imaatinka Raphael Varane.

Red Devils ayaa Real Madrid kala heshiisay saxiixa xiddiga koobka adduunka ku guulaystay waxana la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo saxiixiisa.

Imaatinka Varane ayaa la macno ah in uu Solskjaer haysto xiddigo badan oo daafaca ka ciyaara sida Harry Maguire, Victor Lindelof, Eric Bailly, Phil Jones & Tuanzebe.

Sidaas darteed Tababaraha ayaa filaya in uu iska iibiso qaar ka mid ah xiddigaha daafaca dhexe ka ciyaara ee kooxda jooga si uu isugu dheeli tiro kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Markii wax laga waydiiyay mustaqbalka Tuanzebe ayuu Solskjaer yidhi”Waxa aan filayaa in uu boxo sababta oo ah wax walba waa la dhamaystiray heshiiska Varane”.

“Sidaas darteed waxa aan filayaa in uu Alex boxo maalmaha soo socoda”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Uu Gacaliyahaagu Maalin Walba Kuu Qaado Jacayl Ka Weyn Midkii Hore, 5-tan Kalmad Adeegso Mar Kasta, Indhihiisa Ayuu Kaa Jeclaanayaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*